7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 3 , 2023
Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka geystay degmada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe

Talaado, October, 3, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe oo ah Saldhiga ugu weyn Soomaaliya ee kooxda Al-shabaab ayaa sheegaya in Xalay halkaasi diyaarado dagaal duqeymo culus ka geysteen.

Diyaaradaha dagaal ayaa lasoo wariyay in dhowr gantaal ay la beegsadeen xarumo kooxdu ku leeyihiin gudaha degmada Bu’aale, waxaana wararku intaasi ku darayaan in gantaalada qaar ay ku dhaceen goobo Al-shabaab shir ku lahaayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ay geysteen duqeymaha Xalay diyaaradaha dagaalka ka geysteen gudaha degmada Bu'aale ee gobolka Jubbada dhexe, mana jirto ilaa hada ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ay geysteen duqeymaha maadama isgaarsiinta magaaladu ay tahay mid hawada ka maqan.

Duqeyntaan ayaa loo badinaya iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo inta badan duqeymo ka fuliya deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Gabagabadii ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka Soomaalya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeymaha diyaaraded ee Xalay ka dhacay magaalada Bu'aale.