7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2023
Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq oo ku heshiiyay iskaashiga arrimaha Cadaaladda

Talaado, October, 17, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq dhigiisa dalkaas Wasiir Khalid Shwani.

Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaaladda dalka Ciraaq ay ku leedahay magaalada Baqdaad waxayna kaga hadleen labada masuul arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka arrimaha Cadaaladda, Sharciyada iyo in la is weydaarsado qibradaha  labada dal.

Wasiir Xasan Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale ugu warbixiyay wasiirka Cadaalada dalka Ciraaq dagaalka dowladda Fedaraalka iyo dadka shacabka ah ay kula jiraan kooxda Al-shabaab iyo waliba sida ay uga go’antahay dowladda Soomaaliya in xooga la saaro kor u qaadista daadajinta adeegyada Cadaaladda iyo kala sareynta Sharciga.

Wasiirka Cadaalada dalka ciraaq Khalid Shwani ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlada ahaan ay diyaar u yihiin adkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood  iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Gabagabadii labada Wasiir ayaa isla meel dhigay in si wadajir ah ay isaga kaashadaan horumarinta hay'adaha Cadaaladda ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.