7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2023
Raysal wasaare Xamse oo maanta Muqdisho kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

Talaado, October, 17, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, kaasoo looga hadlaayay doorka ganacsatada ay ka qaadan karaan jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Xukuumada ayaa ugu horeyn tilmaamay muhiimada ay leedahay in hay'daha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay iskula jaanqaadaan si wadajir ah, si loo xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada u sheegay iney ka mid yihiin mashiinada ka qeyb qaata horumarada kala duwan ee dal walba uu ku talaabsado.

“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale la wadaagay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, islamarkaana sidii looga miran dhalin lahaa ay u baahan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

"Waxaan doonayna inaan isbadalo sameyno oo 30 kii sano ee la soo dhaafay, dalalka naga hormaray aan ka daba tagno si xawaare leh waliba, waxaana aragnay inaan la idinka maarmin door weyn ayad ku yeelan doontaan dhaqaajinta dalka inuu u guuro dowladninada Casriga ah" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ganacsatada kula dardaarmay iney kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.