7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2023
Xildhibaanada Xawaadle ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan xilka qaadistii Cali Jeyte
 

Jimco, Juun, 30, 2023 (HOL) - Xildhibaanadda Beesha Xawaadle ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa si kulul uga horyimid xilka qaadistii Cali Jeyte Cismaan, islamarkaana weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen.

Xildhibaanadda Beesha Xawaadle ayaa taageero lixaad leh u muujiyay Cali Jeyte Cismaan, iyagoona ku tilmaamay xilka qaadistiisa mid lagu deg degay oo aan laga fiirsan.

Xildhibaan Daahir Agoon oo ka mid ah Xildhibanaada Hirshabeelle ayaa shaaca ka qaaday in Hirshabeelle ay tahay maamul nin jaabkiisa ku wato.

"Hirshabeelle 2 laba sano iyo bar ayaan Xildhibaan ka ahay mana jirto wax aan ku hayno dadkeena oo cabanaya ayaan ku biirnay walina cabashadii way jirta Cali Guudlaawena ma doonayo inuu xaliyo cabashada dadkeena, heshiisyo uu balan qaaday majirto hal qodob uu ka fuliyay marka, anaga Shabaab oo awood badan ayaan la dagaalanay Hirshabeelle oo nin jaabkiisa ku jirta uma daaheyno" ayuu yiri Xildhibaan Daahir Agoon.

Xildhibaan Saciid Hagar Camaloow oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle aysan jirin cid uu kala tashtay xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan, islamarkaana uu yahay shaqsi si gaar ah ula dagaalamaya Beesha Xawaadle.

"Kuma rabi kuma rabi ayay leedahay Cali Guudlaawe beesha Xawaadle hadaad rabin iyagana kuma rabaan, anaga hadaa nahay Xildhibaanada Xawaadle, maanta kadib waxaan ku shaqeyneyna rabitaanka dadkeena, dadkeenana waxaan leeyahay naga raali ahaada hada ayaan runta soo ogaane" ayuu yiri Xildhibaan Saciid Camaloow.

Xildhibaanadda Beesha Xawaadle ayaa todobaadyo kadib dab kusii shidaya go'aankii qar iska tuurnimada ahaa ee madaxweynaha Hirshabeelle uu xilka kaga qaaday Cali Jeyte Cismaan, taasoo soo dadajisay in Baledweyne looga dhawaaqo maamulka Hiiraan State.