7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2023
Ciidanka dowladda oo maanta burburiyay Maxkamad Al-shabaab ku laheyd gobolka Shabeellaha Hoose

Jimco, Juun, 30, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa galinkii hore ee maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku beegsaday Maxkamad kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaan ka tirsan degmada Afgooye, taasoo la tilmaamay in looga soo xukun doonan jiray magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw.

Howlgalka ayaa la sheegay iney ku burburiyeen ciidanka Haramcad Maxkamadii Al-shabaab, kadib markii halkaasi ay isaga carareen xubnahii ka tirsana kooxda ee ku sugnaa Maxkamada.

“Howlgalkan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda khawaarijta ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Sh/Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka Haramcad ay kusii raad joogaan firxadka xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ka cararay Maxkamada la burburiyay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Maxkamado kooxda Al-shabaab uga furan deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay burburiyaan ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya, hayeeshee waxaa xusid mudan in kooxda Shabaab ay mar walba ay dib u furaan Maxkamadahooda la burburiyo.