7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 8 , 2023
Baarlamaanka Soomaaliya oo isku khilaafay la xisaabtanka xukuumadda
 

Sabti, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Fadhigii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo isfahanwaa xilli baarlamaanku uu u ballansanaa inuu bilaabo la xisaabtanka golaha xukuumadda.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa ku eedeeyay guddiga joogtada ah inay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamaanka, iyo hannaanka loo marayo la xisaabtanka xukuumadda.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley ayaa sheegay inay gef ku tahay baarlamaanka, sida uu sheegay in guddiga joogtada ee baarlamaanka uu golaha horkeeno liis ay soo qoratay xukuumadda, liiskaas oo ah jadwalba wasiiradda hortagaya golaha.

“Guddiga joogtada waxay la kulmeen raysal wasaaraha waxayna ku dhaheen soo diyaarso jadwalka wasiirrada baarlamaanka hortagaya. Arrintaas waa qalad. Guddiga joogtada ma qaadi karo tallaabo isagoo aan la tashan xubnaha xildhibaanada, “ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaa sheegay guddiga joogtada inay ku xad gudbeen madax bannaanida 275 xildhibaan ee golaha shacabka. Wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in la hakiyo la xisaabtanka wasiirka amniga oo baarlamaanka hor imaan lahaa.

Xildhibaan Jeesow wuxuu sheegay guddiga joogtada inuu hortaagan yahay in baarlamaanku si dhab ah ula xisaabtamo xukuumadda.

Shalay ayay ahayd markii xoghayaha xafiiska raysal wasaaraha uu baarlamaanka u gudbiyay jadwal ku saabsan sida ay wasiiraddu u hortagayaan baarlamaanka.