7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 8 , 2023
Dagaal xoogan oo haatan ka socda Koonfurta magaalada Baledweyne
 

Sabti, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo tuulooyin hoostaga deegaanka Baardheere oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan dhinaca Koonfureed ilaa 22 KM.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa kooxda Al-shabaab, waxaaa dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay howlgalo ka dhan ah Shabaab ay saakay dib uga bilaabeen deegaanada dhaca Koonfurta Beledweyne.

Dagaalka xoogiisa ayaa lasoo warinaya inuu ka socdo Waadiga lagu magacaabo Tabantaab iyo Maxamed Xasan, waxaana hubka labada dhinac ay isku adeegsanayaan laga maqlaya meelo ka fog fog halka uu ka socdo dagaalka.

Madaxweynaha kumeel gaarka ee maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka oo kala ah Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Maxamed Cabdullahi Buraalle Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa hoggaaminaya ciidamada howlgalada ka wada Koonfurta Baledweyne dib uga bilaawday mudo dheer kadib.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda inta u dhaxeysa deegaanada Baardheere iyo Beerxaano oo ku yaala Koonfurta magaalada Baledweyne, maadama uu dagaalka wali halkaasi ka socdo.

Dagaalkaan ayaa sidoo kale kusoo aadaya, iyadoo Xalay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano macawiisleeyda iyo Al-shabaab uu ka dhacay nawaaxiga deegaanka Beera yabaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.