7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2023
Xuseen Macalin: Shabaab waxaa naga go'an inaan soo afjarno inta aan la gaarin bisha febraayo 2024
 

Jimco, December, 22, 2023 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay, in illaa iyo bisha febraayo ee sanadkan uu qaadan doono howlgalka kooxda Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo Hirshabeelle.

La taliyaha amniga ayaa sheegay, inuu howlgalka hadda dib u bilowday, ka dib markii waddooyinkii ay biyuhu xireen dib u furmeen.

Wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya iyadoo cashar ka qaadanaysa weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay, inay si feejignaan ah ay dib ugula wareegayso degaannadii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda.

“Dagaalka Ka dhanka ah Khawaarijta Wajigiisiii koobaad waa soo afmeermay, waxaana qorshaha noogu jiro in si dhaqsi leh loo soo afjaro dagaalkaan ka hor Bisha February ee 2024,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay guul weyn u tahay, iyadoo aan kaashanayn ciidamo shisheeye inay ciidamadeeda qalabka sida iyagu dagaal kala hortageen kooxda Alshabaab.

La taliyuhu wuxuu sheegay, howlgallada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay ku yimaadeen dib u dhac sababa la xiriira roobabka kala xiray waddooyinkii la mari lahaa.