7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2023
Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay dilka horjooge sare Macalin Ayman
 

Jimco, December, 22, 2023 (HOL) - Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay Macalin Ayman oo ahaa horjooge sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay macalin Ayman inuu ahaa horjooge ka dambeeyay abaabulka weeraro  Shabaabku ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna uu  yahay qodax ka siibantay dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go'an tahay beegsiga horjoogayaasha Alshabaab iyo dagaalamayaasha kooxdaas. Waxayse tilmaamtay inay weli fursad u haystaan in ay isku soo dhiibaan dowladda dibna dadkooda uga mid noqdaan si ay naftooda uga badbaadsadaan hawlgalka Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.