Ururada Bulshada Rayidka oo dowladda ugu baaqay ansixinta sharciga FGM-ka

Axad, December, 10, 2023 (HOL) - Hay’adda Ifrah Foundation
ayaa kulan wadatashi ah u qabatay Ururada Bulshada Rayidka ee ku sugan Muqdisho, si
loo xoojiyo xirfadahooda ku aadan la-dagaallanka tacadiyada ka dhanka ah
haweenka iyo u doodida ansixinta sharciga FGM-ka.
Munaasabada oo Sabtidii shalay lagu qabtay magaalada
Muqdishu, waxaa ka soo qeyb-galay wakiillo ka socday Ururada Bulshada Rayidka,
dowladda Soomaaliya, Ururada haweenka iyo dhallinyarada.
Ifrah Axmed, aas-aasaha hay’adda Ifrah Foundation, ayaa ku
dhiiragelisay Ururada Bulshada Rayidka in ay codkooda mideeyaan, laguna
cadaadiyo dowladda meel-marinta sharciga FGM-ka ee horyaalla Golaha Wasiirrada.
“Dhibaatooyinka gabdhaha loo geysto aad ayey u badnaayeen
markii aan bilaabeynay ololaha: Waxaa socday gudniin darran, kufsi iyo xaalado
adag oo dhinaca qoyska ah oo ay wajahayeen haweenka Soomaaliya.Waxaa noo
suuragashay sannado kaddib in ololaha ka dhanka ah tacadiyada dumarka aan
gaarsiino dhammaan dalka, gaar ahaan xaafad kasta oo kamid ah Mogadishu”
“Waxaan u mahadcelinayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo safka
hore kaga jira la-dagaallanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Dhallinyaradaasi
waxaa ay inta badan noo raacaan kaamamka barakacayaasha iyo meelaha aan ku
tuhunsanahay in dhibaatooyin ay ka jiraan,” ayey raacisay.
Ifraax Axmed oo sannadihii la soo dhaaf aad ugu ololeyneysay
joojinta gudniinka FGM-ka ayaa intaasi raacisay, “Waxaan inta badan la soconaa
xaaladda kaamka Rabb Yassir IDP ee ku yaalla deegaanka Garasbaley ee dulleedka
magaalada Muqadishu. Nasiib wanaag, afartii sanno ee lasoo dhaafay oo ah tan
iyo markii aan bilownay la socodka xaaladda kaamkaasi, ma jirin gudniin FGM-ka
oo laga sameeyay kaamkan.”
Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Wasaarada Haweenka
iyo Xuquuqul Insaanka, Mudane Axmed Cabdi Cumar (Borile), ayaa sheegay in
dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso sharciga gudniinka FGM-ka oo dambi ka
dhigaya in dalka gudihiisa lagu sameeyo gudniinkaasi.
“Hadda sharcigaasi waxaa uu horyaallaa golaha wasiirrada,
marka uu baarlamaanka ansixiyo ayuu dhaqan geli doonaa,” ayuu yiri,
Agaasimaha Kaydka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya, Amina Keyf, ayaa sheegtay in dalka uu hadda ka socdo
ololaha (Hooyo badbaadi hal qoys), si loo caawiyo haweenka iyo carruurta ay
saameyeen daadadkii ka dhashay roobabka El-Nino oo dalka ka bilowday bartamaha
bishii hore ee October.
Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed
Diiriye, ayaa dhowaan magacawday guddiga ka shaqeyn doona ololaha, kaas oo la
doonayo in dalka oo dhan uu gaaro, gaar ahaan deegaannada ay saameyeen
roobabka.
Si loo xuso ololaha 16-ka maalin ee kahortaga tacadiyada ka
dhanka ah haweenka, safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa todobaadkii hore ku
dhawaaqday in la furayo mashruuca Gaashaan oo ku kacaya 15 milyan ginni si loo
caawiyo dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada iyo jinsiga.
Mashruuca Gaashaan ayaa gaari doona in ka badan 117,000 oo
qof, wuxuuna dadka ay saameeyeen roobabka El Niño ka caawin doonaan horumarinta
adeegyada ilaalinta gaarka ah.
Maryan Taqal oo ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka, ayaa ansixinta
sharciga FGM-ka ku tilmaamtay in uu culeyska ka qaadi doono dumarka
Soomaaliyeed, kuna dhiiragelisay dhammaan Ururrada ka shaqeeya arrimaha
haweenka isku xirnaan ujeedkeedu tahay u qareemida haweenka.
Munaasabada sidoo kale waxaa ka hadlay Deqa oo ka socotay
Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Asad Dhaayow, oo ah u dhaq-dhaqaaqe
arrimaha Xuquuqda Aadanaha iyo Caasha Xirsi Caynab oo u dooda arrimaha dhallinyarada
iyo Haweenka Soomaaliyeed.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
hassanistiila@hiiraan.com