Axad, December, 10, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Xalay ku dileen tuulada Ilix oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Macalin Dugsi Quraan iyo Walaalkiis oo dhaqtar ahaa.
newsinsideAlle ha u naxariiste laba nin ee walaalaha ah ee dilka loo geystay ayaa lagu kala magacaabi jiray Macalin Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr Axmed Xasan Cismaan, waxaana dilka kadib goobta si deg deg ah uga baxsaday maleeshiyaadka dilka geystay
Dilka Xalay loo geystay Macalinka Dugsi Quraan iyo Dhaqtarka la dhashay ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu salka ku haayo dilkooda aanooyin qabiil ah oo mudooyinkii la soo dhaafay ka taagana deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dilka Dhaqtar Axmed Xasan Cismaan oo ahaa dhaqtar ka howlgali jiray magaalada Buuhoodle ayaa imaanaya, xili uu dhawaan dib ugu soo laabtay deegaankiisa Ilix oo la sheegay inuu ka sameeynayay adeeg Caafimaad.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka maamulka Galmudug oo ka kala baxay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, kuwaas oo raadinaya maleeshiyaadkii dilka geystay.