7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 5 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka
 

Sabti, Agoosto, 5, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dawladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhameystirka qorshaha dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab.

Shirka waxaa ka qeyb galay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirradda kala ah Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn warbixino ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada oo ku aadan amniga dalka iyo dadaalada socda ee ku aadan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab. Isagoona xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, islamarkaana ay si nabad ugu kala socdaalaan magaalooyinka iyo deegaanada laga xureeyey Ururka Al-shabaab.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda" ayaa lagu yiro war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan Golaha Amniga Qaranka ee uu Maanta shir guddoomiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ay il gaar ah ku wada hayaan wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab oo la filayo inuu dhawaan ka bilaawdo guud ahaan dalka.