7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 5 , 2023
Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Sabti, Agoosto, 5, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay Maanta ka sameeyeen deegaanka Qoob yaxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku beegsadeen goob ay shir ku lahayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ay ku jireen qaar ka mid ah horjoogayaashooda, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

"Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas joogay. Tirada dhimashada iyo dhawaaca ee soo gaaray Khawaarijta waxaa ku socota qiimayn waana idinla wadaagaynaa dhawaan insha allaah" ayaa lagu qoraalka lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab howlgalka ka dhacay deegaanka Qoob yaxaas

"Khawaarij ku shirsanaa Qoob-Yaxaas oo ka tirsan Hiiraan ayay Geesiyaasha Xoogga iyo saaxiibadood Beegsidaan, dambiilayaashii Shirayay wax dhintay iyo wax dhawacmay ayay noqdeen, xaruntii iyo Gaadiidkiina waa la burburiyay" ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.

Si kastaba ha ahaatee howgalkaan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo guud ahaan dalka ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.