4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Wasiirka Warfaafinta ee Eritariya oo beeniyay wararka sheegaya in Eritariya ay u yeertay ciidamadeeda keydka
 

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Eritariya ayaa beenisay warar maalmo ka hor lagu baahiyay Warbaahinta caalamiga ah, taas oo lagu sheegay inay heegan gelisay Eritariya ciidamadeeda militeriga ah, iyo inay u yeertay ciidamadeeda keydka oo ay ku amartay inay soo diyaar garoobaan, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidan ee u dhaw.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritariya Yemane Gebremeskel ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Eritariya ay qoranayso ciidamo cusub oo Itoobiya ka caawiya la dagaalanka TPLF, balse waxa uu sheegay Wasiirku inay jiraan tiro yar oo ciidanka Eritariya kamid ah oo heegan lagaliyay, ma sheegin Wasiirku sababta ciidamadaas heeganka loo galiyay.

Waxa kale oo Wasiirku sheegay in howlgallada ciidan ee ka socda Eritariya aysan wax xiriir ah la laheyn colaadda ka aloosan gobolka Tigray.

Dalka Eritariya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa laga dareemayay abaabul ciidan oo ay dowladdu isugu yeeraysay ciidankeeda keydka ee ka yar 55 jirka.

Dowladda Eritariya ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay qayb ka tahay dagaalka ka soconaya gobolka Tigray, iyadoo ka garab dagaallanta ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira TPLF.