7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar
 

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ilaa afar ruux ay ku dhinteen laba kalana ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta dhaxeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi, waxaana qaraxa uu haleelay mooto nooca loo yaqaano bajaajta.

Afarta ruux ee ku dhimatay qaraxa qabsaday mooto bajaajta ayaa la sheegay iney ka baxeen magaalada Jowhar ayna kusii jeedeen tulooyin hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Qaraxaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca geystay ayaa noqonaya kii sadaxaad oo noocaan oo kale ah oo mooto dad shacab ah saaran yihiin kula qarxa inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyo gudaha magaalada Jowhar.

Tirada guud ee dadka ku dhintay qaraxyada miino ee ka dhacay inta dhaxeysa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyo gudaha magaalada Jowhar ayaa gaareysa ilaa 10 ruux oo shacab ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online