Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo, ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay xubin mudo dheer ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamuud Diiriye.
newsinsideCabdicasiis Maxamuud ayaa ka soo goostay dagaalamayaasha Al-shabaab oo uu ka mid ahaa mudo 12-kii sano ah, isagoona kasoo qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in sababaha uu Al-shabaab uga soo tagay ay ka mid tahay, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka loo geysto shacabka Soomaaliyeed, taasina ay sababtay inuu qaato go'aanka ah inuu isku dhiibo ciidanka Nabadsugida Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.
Waxaa mudooyinkii dambe si aad ah usoo kordhaayay dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.