7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Dowladda Kenya oo sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in xayiraada laga qaado Qaadka Mirowga
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Maxamuud uu aqbalay in la qaado xayiraadda saaran Qaadka Miirwoga ee laga keeno Kenya.

Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in wada xaajoodkii ugu dambeeyay la soo gaba gabeeyay, waxa dhimana ay tahay saxiixa heshiis lagu wado in uu dhaco labada todobaad ee soo socda, tallaabadaas oo dib u soo celin doonta ganacsigii Miraa ee labada dal.

“Wada xaajoodyadii waa la dhameeyay. Waxa hadhay oo kaliya in la dhamaystiro waraaqaha si uu ganacsigu dib u bilaabo, laakiin waxaanu hubnaa in laba todobaad gudahooda uu dib uga bilaabmayo ganacsiga Miraa iyo badeecadaha kale ee suuqa Soomaaliya,” ayuu yidhi Muunya.

Peter Munya ayaa ku ammaanay madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu hormuud ka yahay wadahadallada dib u soo noolaynta ganacsiga kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxda dalalka ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa sanadkii 2020-ka hakiyay dhoofinta Qaadka laga keeni jiray dalka Kenya, isagoo u cuskaday xayiraadaha COVID-19, balse hakadkaasi wali lagama qaadin maadaama labada dal uu xiriirkooda xumaaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]