7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Beesha caalamka oo war kasoo saartay qalalaasihii Hargaysa ka dhacay
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Waddamada Somaliland ka taageerada doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada, ayaa axsaabta iyo xukuumada ugu baaqay in ay isxakameeyaan, oo ay miiska wadahadalka kusoo noqdaan.

Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waddamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in saaxibada Somaliland ka taageera doorashooyinku ay aad uga walaacsanyihiin qalalaasihii Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii Khamiistii.

"Saxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee maanta, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado".

Waxay soo jeediyeen in si loo ilaaliyo, nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada, ay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada, si layskula afgarto sidii hore loogu dhaqaaqi lahaa.

"Si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada Somaliland waxa muhiim ah, in dhamaan dhinacyadu ka qayb qaataan wadahadalo wax ku ool ah, oo joogto ah, si is afragad looga gaadho sidii hore loogu sii socon lahaa".

Ilaa 10 qof ayaa dhaawacmay intaa in leegna xabsiga ayaa loo taxaabay, kadib markii ay Ciidamada Booliiska Somaliland xoog ku hor istaageen dad ay mucaaradku sheegeen in la siinayay tababar mudaharaad galinkii hore ee Khamiistii.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]