7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 6 , 2022
Korneyl Nuur Dheere "Cali Guudlaawe Imaashahiisa Baledweyne Dhimasho ayaan ka xigna"

Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Iyadoo saacadii ugu dambeeyay ay isa soo tarayeen wararka ku aadan in si xoog ah Maanta lagu geynayo magaalada Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadlay Korneyl Nuur Dheere oo ah hoggaaminaya ciidamada Kacdoonka ee ku sugan Baledweyne.

Korneyl Nuure oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Baledweyne ayaa sheegay inuu uga digayo Cali Guudlaawe inuu Maanta yimaado magaalada Baledweyne, islamarkaana haduu yimaado ay la dagaalami doonaan.

"Ciidankan Kacdoonka ee mudada halka sano ah diidana in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne wali way joogaan waxaana u sheegaya Cali Guudlaawe inuusan qaadan beenta ay u sheegayaan kuwa leh maalin walba xoog ayaan kugu geyneyna Baledweyne, dhimasho ayaan ka xignaa inuu Baledweyne yimaado Cali Guudlaawe, mana jirto wax heshiis ah oo dhexmaray Cali Guudlaawe iyo Xawaadle " ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere.

Waxuu intaasi ku daray hadalkiisa in magaalada Baledweyne ay imaan karaan madaxda kasocota dowladda Fedaraalka, hayeeshee aysan marnaba suurta gal aheyn inuu Cali Guudlaawe yimaado Baledweyne.

Si kastaba ha ahaatee waxaa saakay shacabka ku dhaqan Baledweyne ay kusoo tooseen ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xirtay wadooyinka ugu muhiimsan isku socodka magaalada Baledweyne, mana jirto xafa qof shacab ah oo wadooyinkaasi isticmaali kara, waxaana qorshuhu yahay in si qasab ah Maanta lagu keeno Baledweyne Cali Guudlaawe.

Shacab farabadan oo usoo kalahay iney u shaqo tagaan goobahooda ganacsiga ayaa si raxanraxan ah u taagan meelaha ay ka xiran yihiin wadooyinka gaar ahaan labada Buundo ee Buundaweyn iyo Liqliqato, waxayna dadka saakay ku qaxweynayaan madaxweyne diidan in la socdo oo isticmaalaya awood ciidan maxay soo kordhineysa imaashahiisa.

Xaalada Baledweyne ayaa laga cabsi qaba iney ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo doonaya iney si xoog ah ku keenaan Baledweyne Cali Guudlaawe iyo ciidamada Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Korneyl Nuur Dheere oo diidan imaashaha Guudlaawe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online