7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 6 , 2022
Caruur ku geeriyootay dab qabsaday gurigooda oo ku yaal Borama

Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - 3 caruur ah oo da'doodu u dhaxayso sannad ilaa 8 sanno jir, ayaa geeriyooday, kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala magaalada Borama, ee gobolka Awdal ee Somaliland.

Caruurta uu dabku guriga ku qabsaday ayaa guud ahaan ahaa 4 caruur ah, oo kala ah 2 wiil iyo 2 gabdhood, waxaana isla goobta dabka ku geeriyooday labadii hablood halka mid kamid ah wiilashuna uu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawacyo halis ah oo dabka kasoo gaadhay.

Aabaha caruurta dhalay ayaa muuqbaahiyaha CBA u sheegay in uu guriga ka maqnaa markuu dabku kacayay "Guriga waan ka maqnaa markuu dabku dhacayay, markaa 4 tii caruurta ahaa 3 saddexna way shafeeceen  midina waa sahaala".

Waxa uu intaa ku daray in uu ku samirsanyahay qadarka Alle "Aniga oo salaada casar ku jira, ayaa la ii sheegay, walahi waa alxamdulilah, addunyadan Ilahay ayaa maamula, caruur tuna amaano uun bay inagu yihiin".

Ilmaha kaliya ee ka  hadhay  afarta caruurta ah ee dabku wada qabsaday ayaa lagu dawaynayaa isbitaalka Borama.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]