7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ahaa culimada Soomaaliya oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo
 

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goor dhowayd magaalada Kismaayo qarax ka dhacay lagu dilay Allaha u naxariistee, Sh, Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ee fadhigiisu ahaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sheikh Cabdinaasir ayaa ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo. Hal qof oo shacab ah ayaa sidoo kale ku geeriyooday qaraxaas.

Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed waxa kamid ahaa jameecadda Ictisaamka, wuxuuna katirsanaa culimada sida weyn ugasoo horjeeday una dhaleecayn jiray ficilada iyo fikradaha ururka Alshabaab.

Marxuumka ayaa safar ku joogay magaalada Kismaayo, halkaas oo isaga iyo culimo kale ay u joogeen in ay bulshada u gudbiyaan Muxaadarooyin ku saabsan hanuunka qur’aanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe iyo madax kale ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sheikh Cabdinaasir.

Wadaado ay saaxiibo dhow ahaayeen Sheikh Cabdinaasir Xaaji ayaa horey loogu dilay Soomaaliya, waxaana kamid ah, Sheikh Axmed Cabdiraxmaan oo Boosaso lagu dilay december 2011, iyo Sheikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo Garowe lagu dilay febraayo 2013.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online