7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadashay maxaabiista Soomaalida ee ku xiran xabsiyada heer fadaraal
 

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa ka hadlay Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xidhan xabsiyada heer fadaraal, iyo waxa ay dowladdiisu ka damacsan tahay maxaabiistaas.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in Maxaabiistaasi ay ku jiraan qaar aysan xukuumad ahaan aysan raalli ka ahayn in lasoodaayo, wuxuuna yiri Madaxwaynuhu " Raalli kama nihin in lasoo daayo, dad xukuumad ahaan iyo xisbi ahaan aan u aragno inay dambiyo galeen, dadna laayeen".

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwaynuhu inay dhici karaan in Maxaabiistaasi ay ku jiraan qaar aan wax sidaa ah bi'in ama dambi culus galin, oo ay fiicnaan lahayd in kuwaas loo doodo, wuxuuna yiri Madaxwaynuhu isagoo taa ka hadlaya "Way jiraan ayaa laga yaabaa xubno aysan munaasab ahayn inay sii xirnaadaan, marka loo eego dambiyada ka dhacaya dalka, kuwaas inaan u dacwoono oon u tagno ayaan diyaar unahay waana samaynaynaa".

Hadallada Madaxwaynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli muddooyinkii dambe dood ka taagnayd, sababta loo soodayn la'yahay maxaabiista Soomaalida ee ku xiran heer fadaraal, iyadoo bishii hore un ahayd markii la siidaayay maxaabiis siyaasadeed oo kasoo kala jeeda qawmiyadaha Oromada, Axmaarada iyo Tigreegga, kuwaas oo badankood ay isku xabsi ku jireen kuwa Soomaalida.

Maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada heer fadaraal ayaa waxaa kamid ah, Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo kamid ahaa xukuumaddiisa, kuwaas oo wali aan lagu helin waxa lagu eedeynayo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]