4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay natiijada doorashada Eyl
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii "qof iyo cod" ee ka dhacday degmada Eyl, taasoo ay ku tartamayeen ururada siyaasada.

Ururka muxaafidka ah ee Kaah ayaa mar kale ku guulaystay kuraasta ugu badan doorashada, wuxuuna helay 13 kursi, oo ah in ku dhow kala bar kuraasta guud ee degmada Eyl oo ah 27 kursi.

Ururka Mideeye oo ah ururka ugu weyn mucaaradka ayaa lix kursi ka helay doorashadan, halka ururka Sinnaan iyo caddaalad oo isna saameyn ku lahaa doorashooyinka uu helay 4 kursi.

6 dumar ah ayaa kasoo muuqday xildhibaanada cusub ee degmada Eyl, taasoo ka dhigaysa in dumarku qoondo fiican ka heleen doorashooyinkan dimuqraadiga ah ee Puntland ka dhacay.

Halkaan hoose ka akhriso sida codadka loo kala helay iyo magacyada xidhibaannada soo baxay:-



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online