12/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Somaliland iyo Kenya oo kawada shaqaynaya xidhiidh ganacsi oo ay yeeshaan
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi oo dhexmara, iyadoo Kenya ay danaynayso in ay Somaliland suuq uga hesho qaadka Miraa oo suuqii hore ee Soomaaliya laga xayiray.

Wafti wasiiro iyo saraakiil kale ah oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland D.R Ciise Cabdiraxmaan Kayd oo safar ku jooga Nairobi, ayaa kulan ay la qaateen wasiirka beeraha Kenya Peter Munye, kaga wada hadlay suuq u helista jaadka Miraa, arrimaha beeraha iyo xoolaha nool, sida wasiir Munye uu bartiisa Twitterka ku qoray.

"Waxan kulan la qaatay wafti ka socda Jamhuuriyada Somaliland, oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Ciise Kayd, waxaanu diirada saarnay waxyaabo badan oo aanu iska kaa shanayno, sida daafurka iyo kor u qaadista waddo ganacsi oo qaadka Miraa yeesho, xoolaha iyo beeraha" ayuu yidhi wasiir Munye.

Safarka waftiga Somaliland ayaa daba socda sii xoojinta heshiisyadii ay sannadkii hore kala saxeexdeen madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya, ee dhinacyada dibulumaasiyada iyo ganacsiga.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]