3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay doorashooyinka ka socda Puntland
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka socota saddex degmo oo ka tirsan Puntland.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay rumeysan tahay in doorashooyinka ka socda Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud oo dalka laga qabto.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ku bogaadisay Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), maamulka iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya, iyadoo goor dhow lagu dhawaaqi doono natiijada coddaynta doorashada dowladdaha hoose ee degmooyin katirsan Puntland.

Ururka Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweynaha Puntland ayaa illaa iyo haatan hogaaminaya guud ahaan codadka la tiriyay.

Balse, natiijada guud weli lama oga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/26/2021 1:31 PM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii "qof iyo cod" ee ka dhacday degmada Ufayn ee gobolka Bari taasoo ay ku tartamayeen ururada siyaasada.

10/26/2021 11:58 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii "qof iyo cod" ee ka dhacday degmada Eyl, taasoo ay ku tartamayeen ururada siyaasada.

10/26/2021 8:52 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor, ayaa sheegay in dagaalka Guriceel ka socda uu yahay mid Galmudug ku difaacayso jiritaankeeda isla markaana wuxuu ku eedeeyay garabka Ahlusunna Waljamaaca in ay diideen in ay tabashadooda si nabad ah u sheegtaan.

10/26/2021 7:55 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar iyo ururada ku guulaystay kuraasta xildhibaannada golaha deegaanka.

10/26/2021 7:12 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay, talaabada ay xukuumada Somaliland ku dhintay safarada shirkadaha diyaarada ka howlgala madaarka Cigaal ee Hargaysa.

10/26/2021 3:41 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunnah Wal-jamaaca ee ka socda magaalada Guriceel, ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilay 120-qof, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ASWJ.

10/26/2021 3:06 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay qaar kamid ah natiijoyinka goobaha codbixinta ee doorashada golayaasha deegaanka saddex degmo oo katirsan Puntland.

10/26/2021 3:00 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo xalay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

10/26/2021 2:13 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay xaalada magaalada ay tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo sadax maalin ee lasoo dhaafay ku dhexmaraayay gudaha degmadaasi ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

10/26/2021 2:03 AM EST
Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi oo dhexmara, iyadoo Kenya ay danaynayso in ay Somaliland suuq uga hesho qaadka Miraa oo suuqii hore ee Soomaaliya laga xayiray.