9/26/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu doortay kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kursiga maanta lagu doortay magaalada Baydhabo oo tirsigiisu yahay HOP 193, ayaa ahaa midkii ka haray doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo, waxaana maanta ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Cabdullaahi Aadan Axmed oo loo yaqaano Black iyo Cabdiqaadir Maxamed Cali, waxaana ku guuleystay kursiga Cabdullaahi Aadan Axmed oo helay codad gaaraya 66 cod, halka Musharaxii kale Cabdiqaadir Maxamed Cali uu isna helay 31 cod, waxaana halaabay 3 cod.

Dooraashada kursiga maanta lagu doortay Baydhabo ayaa ka dhigeysa tirada Xildhibaanada lagu doortay magaalada Baydhabo 11 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxuuna maamulka Koonfur Galbeed noqday Maamulka ugu badan ee doortay kuraasta Golaha Shacabka.

Si kastaba ha ahaatee doorashada ay qabteen maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaa kasoo baxay cabasho aad u badan oo laga muujinaayo hanaanka doorashada u socoto, iyadoo Musharaxiinta qaarna loo diiday iney tartamaan sida uu horay u shaaciyay guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo sheegay in loo diiday inuu ka qeyb galo tartanka doorashada Golaha Shacabka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/30/2021 4:28 PM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in laga tagay odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka doorashada golaha shacabka.

11/30/2021 11:27 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

11/30/2021 11:19 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Wareegto wasiir oo kasoo baxday wasaarada is gaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirkadaha is gaadhsiinta ay mamnuuc ka tahay in ay mobilada macaamiisha ku diraan xayaysiis aanu macmiilku ogolaan wixii ka danbeeya kowda bisha Jeenawari ee 2022.

11/30/2021 9:28 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Boqor aw Cismaan aw Maxamuud Buurmadow, ayaa sheegay in hadalkiisii uu Alshabaab kaga hadlay u jeedadiisa laga leexiyay oo la siyaasadeeyay isagoo sheegay in uu ka xunyahay cidkasta oo dhibsatay hadalkiisa.

11/30/2021 9:23 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wadahadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Binu Xamad Al Thani.

11/30/2021 9:16 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in boqor Buurmadaw lagu dacweeyo in uu ka hadlay guddoomiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

11/30/2021 7:05 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Puntland uga digay hagardaamo uu sheegay in ay la damacsan yihiin madaxda dowladda federalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga faaidaysanayo khilaafka arrimaha ciiddanka.

11/30/2021 1:06 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Dhaleecayn weyn ayaa ka dhalatay hadal uu warbaahinta kasii daayay boqor Cismaan Aw-maxamuud Maxamed (Buur madow) oo katirsan madax dhaqameedka Somaliland, kaasoo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho.

11/30/2021 12:29 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.

11/30/2021 12:24 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ciyaaryahanka Lionel Messi oo u dhashay wadanka Argentina una ciyaaro kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ee ka dhisan dalka Faransiiska, ayaa xalay markii 7-aad ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee afka Faransiiska lagu yiraahdo Ballon d’Or.