Somaliland oo xakamaynaysa xayaysiisyada mobilada lagu diro
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Wareegto wasiir oo kasoo baxday wasaarada is gaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirkadaha is gaadhsiinta ay mamnuuc ka tahay in ay mobilada macaamiisha ku diraan xayaysiis aanu macmiilku ogolaan wixii ka danbeeya kowda bisha Jeenawari ee 2022.
"In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda fariimaha is gaadhsiineed, iyo adeegyada ay iyagu bixinayaan oo kaliya" ayaa lagu yidhi wareegtada.
Hoos ka akhriso wareegtada oo faah faahsan:-
Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com