9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Waare: Villa Soomaaliya waxay iskudayaysaa in ay burburiso xasiloonida Puntland
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Puntland uga digay hagardaamo uu sheegay in ay la damacsan yihiin madaxda dowladda federalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga faaidaysanayo khilaafka arrimaha ciiddanka.

Madaxweyne Waare ayaa wareysi dheer oo uu bixiyay, wuxuu ku sheegay in madaxda Villa Soomaaliya ay ku jiraan dagaal federal diid ah, oo cidda kaliya ee hartay ay tahay Puntland.

‘Ma idin la tahay haddii taladu Xamar taallo, in dekeda Garacad dhismi lahayd oo Markab kusoo xiran lahaa. Ninkii ii dhagax dhig ka weyay, makula tahay inuu kaa yeelayo dhismaheeda?,’ ayuu yiri madaxweyne Waare oo wareysi gaar ah bixiyay.

Waare, wuxuu sidoo kale sheegay in villa Soomaaliya ay dagaal kula jiro musharraxnimada  madaxweyne Deni, ayna qaadayso tallaabo kaste oo lagu burburinayo xasiloonida Puntland.

Wuxuu sheegay in dowladda federalka iskudayayso in ay kala furfurto Puntland arrimaheeda gudaha , iyadoo ka faaidaysanaysa khilaafka ka dhextaagan madaxweyne Deni iyo hay’adda PSF.

Waare, wuxuu kula taliyay ciiddanka PSF in ay joojiyaan amar diida ayna u hoggaansamaan awaamiirta madaxweyne Deni kasoo baxa.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/30/2021 4:28 PM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in laga tagay odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka doorashada golaha shacabka.

11/30/2021 11:27 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

11/30/2021 11:19 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Wareegto wasiir oo kasoo baxday wasaarada is gaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirkadaha is gaadhsiinta ay mamnuuc ka tahay in ay mobilada macaamiisha ku diraan xayaysiis aanu macmiilku ogolaan wixii ka danbeeya kowda bisha Jeenawari ee 2022.

11/30/2021 9:28 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Boqor aw Cismaan aw Maxamuud Buurmadow, ayaa sheegay in hadalkiisii uu Alshabaab kaga hadlay u jeedadiisa laga leexiyay oo la siyaasadeeyay isagoo sheegay in uu ka xunyahay cidkasta oo dhibsatay hadalkiisa.

11/30/2021 9:23 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wadahadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Binu Xamad Al Thani.

11/30/2021 9:16 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in boqor Buurmadaw lagu dacweeyo in uu ka hadlay guddoomiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

11/30/2021 7:43 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu doortay kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/30/2021 1:06 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Dhaleecayn weyn ayaa ka dhalatay hadal uu warbaahinta kasii daayay boqor Cismaan Aw-maxamuud Maxamed (Buur madow) oo katirsan madax dhaqameedka Somaliland, kaasoo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho.

11/30/2021 12:29 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.

11/30/2021 12:24 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ciyaaryahanka Lionel Messi oo u dhashay wadanka Argentina una ciyaaro kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ee ka dhisan dalka Faransiiska, ayaa xalay markii 7-aad ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee afka Faransiiska lagu yiraahdo Ballon d’Or.