3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Boqor Buur madow oo dhalleecayn kala kulmay hadal uu kasii daayay warbaahinta
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Dhaleecayn weyn ayaa ka dhalatay hadal uu warbaahinta kasii daayay boqor Cismaan Aw-maxamuud Maxamed (Buur madow) oo katirsan madax dhaqameedka Somaliland, kaasoo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho.

Boqor Buur madow ayaa meel madal ah uu ka hadlayay ka sheegay in Soomaaliya ay ka jirto labo dowladdood oo kala ah Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka.

Wuxuu sheegay in shaqsiyaad isaga ku qabiil ah ay xukumaan Kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale naxariis u rajeeyay hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Gudane, markii duqayn lagu dilay 2014.

Masuuliyiin xilal kasoo qabtay Soomaaliya iyo maamulada dalka , ayaa hadalka Buur madow ku tilmaamay ku digasho iyo in uu damqinayo bulshada ay dhibaatooyinka kala duwan u geysatay Alshbaab.

Dadka arrintaas ka hadlay waxaa kamid ah wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Mocalin Fiqi oo ku eedeeyay boqor Buur madow in ereyadii uu ku hadlay ay yihiin kuwa aan xakamaysnayn oo u ekayd digasho aan geedna loogusoo gamban.

“Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen”, ayuu yiri, Wasiirkii hore ee amniga Galmudug.

Fiqi ayaa ugu baaqay boqor Buur madow inuu raali galin degdeg ah ka bixiyo hadalka uu sheegay, isagoo tilmaamay in aanay isku qalmin sida weyn ee loosoo dhoweeyay iyo boogaha uu damqiyay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa isna kamid ah dadka ka hadlay arrintaan, wuxuuna ugu baaqay in arrintaan uu raalli galin ka bixiyo boqorka ay xog-ogaalnimo darro u geysay.

Cismaan AW-Maxamuud Maxamed [Buurmadoow], ayay si weyn odayaasha dhaqanka beelaha Koofure, u soo dhaweeyeen, waxaana caasimadda loogu sameeyay munaasabada kala duwan oo lagusoo dhoweynayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/30/2021 4:28 PM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in laga tagay odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka doorashada golaha shacabka.

11/30/2021 11:27 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

11/30/2021 11:19 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Wareegto wasiir oo kasoo baxday wasaarada is gaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirkadaha is gaadhsiinta ay mamnuuc ka tahay in ay mobilada macaamiisha ku diraan xayaysiis aanu macmiilku ogolaan wixii ka danbeeya kowda bisha Jeenawari ee 2022.

11/30/2021 9:28 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Boqor aw Cismaan aw Maxamuud Buurmadow, ayaa sheegay in hadalkiisii uu Alshabaab kaga hadlay u jeedadiisa laga leexiyay oo la siyaasadeeyay isagoo sheegay in uu ka xunyahay cidkasta oo dhibsatay hadalkiisa.

11/30/2021 9:23 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wadahadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Binu Xamad Al Thani.

11/30/2021 9:16 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in boqor Buurmadaw lagu dacweeyo in uu ka hadlay guddoomiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

11/30/2021 7:43 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu doortay kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/30/2021 7:05 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Puntland uga digay hagardaamo uu sheegay in ay la damacsan yihiin madaxda dowladda federalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga faaidaysanayo khilaafka arrimaha ciiddanka.

11/30/2021 12:29 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.

11/30/2021 12:24 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ciyaaryahanka Lionel Messi oo u dhashay wadanka Argentina una ciyaaro kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ee ka dhisan dalka Faransiiska, ayaa xalay markii 7-aad ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee afka Faransiiska lagu yiraahdo Ballon d’Or.