12/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Lionel Messi iyo Alexia Putellas oo ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee Ballon d’Or
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ciyaaryahanka Lionel Messi oo u dhashay wadanka Argentina una ciyaaro kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ee ka dhisan dalka Faransiiska, ayaa xalay markii 7-aad ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee afka Faransiiska lagu yiraahdo Ballon d’Or.

Messi ayaa tartanka kaga adkaaday Robert Lewandowski oo u dhashay wadanka Poland, dhanka weerarkana oga ciyaaro naadiga Jarmalka ah ee Bayern Munich.

Lewandowski oo dad badan ay filayeen inuu ku guuleysan karo abaalmarinta ayaa sanadkaan dhaliyay 53 gool, wuxuuna ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub. Sidoo kale sannadkii hore ayaa si weyn loogu saadaalinaayay inuu ku guuleysto abaalmarintaan ka hor inta aan loo joojinin cudurka faafa ee Covid-19 dartiis.

Messi oo hantiyay kubadda dahabka sannadkaan ayaa afar bilood ka hor ku biiray kooxda PSG kadib markii uu ka tagay naadiga Barcelona horaantii bishii 8-aad ee sannadkaan.

Inkasta Messi marka la barbardhigo xilligii uu joogay Barcelona uu hadda hoos oga dhacay doorkiisa heerka kooxda uu la joogo ee PSG, haddana wuxuu abaalmarinta ku muteystay doorkii uu ka qaatay in xulkiisa Argentina uu ku guuleysato koobka “Copa America” horaantii sanadkan iyo inuu kooxda Barcelona kula guuleysatay Copa del Rey, sidoo kalana uu ku dhameystay horyaalka Spain ee Laliga gooldhaliyaha ugu sareeya ka hor inta uusan aadan horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

Lionel Messi oo ah ciyaaryahanka kaliya ee afar mar oo isku xigto ku guuleystay abaalgudka kubadda dahabka oo la soo bilaabay sannadii 1956-dii, ayaa horay ugu guuleystay abaal-marintaan sannadihii kala ahaa, 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, iyo 2019. Wuxuuna markisii toddobaad 2021-ka ku guuleystay Ballon d’Or, isagoona hadda labo koob ka sareeyo ciyaaryahanka ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo oo shan mar horay ogu guuleystay abaalgudkaan.  

Dhanka kale Alexia Putellas oo 27 sano jir ah una dhalatay wadanka Spain, ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Ballon d’Or ee dhanka dumarka.

Gabadhaan oo loo arko iney ka mid tahay ciyaartoyda ugu fiican adduunka ee dhanka dumarka, ayaa weerarka khadka dhexe iyo garabka oga ciyaarto kooxda haweenka ah ee Barcelona oo ay ku biirtay sannadkii 2012-kii.

Putellas, xilligii ay joogtay Barcelona waxay kula guuleysatay shan horyaal, lix Copa de la Reina, iyo hal horyaal oo ah horyaalka kubadda Cagta Yurub ee dumarka, balse markii ugu horreysay taariikhda ayey sannadkaan kuwada guuleysatay labada abaalmarin ee kala ah, Ciyaartoyga sanadka ee haweenka UEFA iyo tan kubadda dahabka ah ee Ballon d’Or.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/30/2021 4:28 PM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in laga tagay odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka doorashada golaha shacabka.

11/30/2021 11:27 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

11/30/2021 11:19 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Wareegto wasiir oo kasoo baxday wasaarada is gaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirkadaha is gaadhsiinta ay mamnuuc ka tahay in ay mobilada macaamiisha ku diraan xayaysiis aanu macmiilku ogolaan wixii ka danbeeya kowda bisha Jeenawari ee 2022.

11/30/2021 9:28 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Boqor aw Cismaan aw Maxamuud Buurmadow, ayaa sheegay in hadalkiisii uu Alshabaab kaga hadlay u jeedadiisa laga leexiyay oo la siyaasadeeyay isagoo sheegay in uu ka xunyahay cidkasta oo dhibsatay hadalkiisa.

11/30/2021 9:23 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wadahadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Binu Xamad Al Thani.

11/30/2021 9:16 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in boqor Buurmadaw lagu dacweeyo in uu ka hadlay guddoomiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

11/30/2021 7:43 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu doortay kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/30/2021 7:05 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Puntland uga digay hagardaamo uu sheegay in ay la damacsan yihiin madaxda dowladda federalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga faaidaysanayo khilaafka arrimaha ciiddanka.

11/30/2021 1:06 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Dhaleecayn weyn ayaa ka dhalatay hadal uu warbaahinta kasii daayay boqor Cismaan Aw-maxamuud Maxamed (Buur madow) oo katirsan madax dhaqameedka Somaliland, kaasoo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho.

11/30/2021 12:29 AM EST
Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.