Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo xilka la wareegay
![](https://hiiraan.com/2020/images/Oct/20201028637394690767640572.jpg)
Arbaco, October, 28, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Gen Mukhtaar Xusseen Afrax iyo Wasiirkii hore ee Wasaarradda Cabdi Maxamed Sabriye.
Ra'iisal Wasaarre Rooble oo munaasabada ka hadlay ayaa ku amaanay Wasiirraddii hore howlkarnimada ay muujiyeen mudadii ay xafiiska joogeen, isaga oo dhinaca kalana kula dardaarmay Wasiiradda cusub ee uu soo dhisay in ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah.
Sidoo kale waxaa xilka cusub ee loo magacaabay la wareegay Wasiirka Amniga Gudaha Xassan Xunbeey Jimcaale oo xilkan kala wareegay Wasiirkii hore Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.
![](https://hiiraan.com/2020/images/Oct/20201028637394738675355714.jpg)
Horay waxaa sidan oo kale xilalka ula wareegay qaar ka mid ah Wasiirradda cusub ee ku jira xukuumadda Ra'iisal Wasaare Rooble madaama marka la eego inta badan Golaha cusub ka tirsanaayeen Xukuumaddii Ra'iisal Wasaare Kheyre ee kalsoonida lagala noqday.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com