Xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle oo lagu xiray lacag si loo siiyo kaarka aqoonsiga

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in guddiga farsamada ku xireen Xildhibaannada cusub ee lagu dhawaaqay in ay bixiyaan lacag si loo siiyo kaarka aqoonsiga.
Xildhibaan walba oo ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle ayaa laga doonayaa $ 500 oo dollar si loo siiyo kaarka aqoonsiga xildhibaannimo.
Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle ayaa HOL u sheegay jiritaanka warka ku saabsan lacagta laga doonayo xildhibaanka
Inta badan xildhibaannada ayaa lagu waramayaa in durbaba shubeen lacagta laga doonayay kuwaa oo la filayo in galinka danbe ee maanta la dhaariyo.
Guddiga farsamada ayaa ku dhawaaqay xalay ilaa 90 xildhibaan iyadoo dhinaca kale ay jiraan xubno wali dhiman oo lagu waddo in saacadaha soo socda la soo dhameystiro.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com