4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Tababarihii xulka kubada cagta Soomaaliya oo cabsi amni darteed isku casilay
 

Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Tababarihii xulka qaranka Soomaaliya, Bashiru Hayford ayaa iska casilay shaqadiisa, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay sportsnetgh iyo vibeweeks.

Hayford, wuxuu sheegay inuu xilka isaga casilay nabadgelyo-xumada iyo weerarada Al-shabaab islamarkaana uusan ku laabandoonin Muqdisho.

Waxaa lagu xasuustaa inuu Soomaaliya u horseeday guushii ugu horreysay isreebreebka Koobka Adduunka, taasoo ahayd guushii xulka Zimbabwe isreebreebka Koobka Adduunka 2022 ee Qatar, bishii November 2019.

Hayford, oo horey tababare ugu soo noqday xulka Haweenka kubada cagta ee dalka Ghana, ayaa horey u saxiixay heshiis labo sano ah oo tababaraha xulka Soomaaliya, isagoo badelay Mohamed Abdulla Farayarebishii Maarso 2019.

Tababarahan oo u dhashay Ghana ayaa labo jeer ku guuleysatay koobka Premier League ee Ghana oo uu la qaaday Asante Kotoko 2007/2008 iyo Ashantigold SC xilli ciyaareedkii 2014/2015.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]