Hiiraan '' Colaad in muddo ah u dhaxeysay Labo beelood oo xal laga gaaray
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.
Labada maleeshiyo beeleed ayaa horay ugu dagaalamay deegaano ku dhow
degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaas uu ka dhashay
khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Kulan ka dhacay degmada
Matabaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay Taliyaha
Guutada 15aad ee qeybta 21aad ciidanka xoogga dalka Jen. Mascuud
Maxamed Warsame iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa looga hadlay
sidii labada dhinac heshiiska u dhaqan gelin lahaayeen.
Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya.
Odoyaasha iyo wax garadka labada dhinaca ayaa dood dheer kadib la isku
fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo, hadda kadibna la iska
kaashado sidii ciidamada dowlada lagu garab siin lahaa soo qabashada cid
walba oo dil geysata.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]