
Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay taliska qeybta booliska ee gobolka Mudug.
newsinsideWareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loogu magacaabay taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Mudug .
Magacaabiista taliyaha cusub ee qeybta booliska ayaa ku soo aadday xilli madaxweynaha Puntland uu isbeddel ku sameeyay maamulka gobolka Mudug iyo garsoorka gobolka.
Madaxweyne Deni, ayaa horey u ballanqaaday in maamulka uu ka shaqeyn doono xoojinta xasilloonida iyo horumarinta gobolka.
[email protected]