Mbeki oo Soomaalida dib u xasuusiyay 1974


Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Thabo Mbeki  oo booqasho ku jooga caasimadda Muqdisho ayaa dib u milicsaday waayihii wanagsanaa ee Soomaaliya.

newsinsideMbeki  ayaa ka sheegay xarunta madaxtooyadda ee Muqdisho inuu xasuusan yahay Soomaaliya oo xooggan iyo maqaamkii ay ku lahayd qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.

"Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh."

Thabo Mbeki  , oo haatan ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban ku dhowaad soddon diblumaasi oo booqasho labo maalin ah ku joogay Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]