Madaxweyne Farmaajo '' Dagaalka Al-shabaab waa mid u yaala dhamaan wadamada gobolka
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta
madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay wafdigga uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Thabo
Mbeki labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho
Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey
miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka
iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda
ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka.
“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid
ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka.
''Wax ka
qabashada Al-shabaab waxaa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti
mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo
Sidoo kale, Madaxweyne
Famaajo ayaa sheegay in doorka dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha
Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso
in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga gobolka.
Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur
Afrika, haatanna ah madaxa guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane
Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku
lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii
hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii
xornimo doonka dalalka Afrika.
“Sharaf ayeey ii tahay in aan Muqdisho imaado 45
sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen
dad mideysan iyo dal xoog leh.”
Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si
heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku
Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]