Axmed Madoobe : Gacanna dagaalka al-Shabaab ayaan ku wadeynaa gacanna waan ku codeynaynaa


Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo galinkii dambe ee Talaadadda maanta suxufiyiinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa sheegay doorashada Jubbaland inay waqtigeeda ku dhacayso.

newsinside"Doorashada Jubbaland waqtigeeda ayay ku dhacaysa, waqtina laguma darayo". ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland oo inta ku daray " Gacanna dagaalka al-Shabaab iyo xorreynta deegaannada ayaan ku wadeynaa gacanna waan ku codeynaynaa".

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ka qaybgalay xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, isagoona maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo,kaddib saddex maalin oo uu ku sugnaa magaalada Garoowe.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]