Qarax lagu weeraray gaari ay saarnaayeen Injineero Soomaaliya iyo Ajnabi isugu jiray

 

Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax lagu weeraray gaari ay la socdeen Injineero isugu jira Soomaaliya iyo Ajnabi oo ku safrayay dulleedka magaalada Muqdisho.

newsinside Goobjoogayaal ayaa sheegay Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari ay la socdeen Injineeradan oo Soomaali iyo Ajaaniib isugu jiray oo ka yimid deegaanada ku yaala duleedka Muqdisho kuna soo jeeday  gudaha magaalada

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa afar ruux oo la socotay gaariga, waxaana dadka dhaawacmay saddex ka mid ah la sheegay in ay yihiin Injineerro oo labo ka mid ah u dhashay dalka Shiinaha.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadada xariirisa Muqdisho iyo afgooye ayaa inta badan lala eegtaa gaadiidka dagaalka ay wataan ciidanka dowlada iyo sidoo kale gaadiidka loo yaqaan Hilux ay inta badan wataan mausuuliyiinta ioyo saraakiisha ciidanka.

Qaraxan ayaa imanaya xili isla maanta gaari la soo dhigay meel dadku ku badan yahay gudaha magaalada Muqdisho uu sababay dhimashada Labo ruux oo shacab ah iyo dhaawaca tiro kale oo dad goobta ku sugnaa ka mid ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]