
Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)– Wasaaradda gargaarka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay'adaha samafalka ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxaa looga hadlay howlaha gargaarka dalka iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani'aadanimo ee dalka ka jira.
newsinsideKulanka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka, ayaa inta uu socday waxaa wasaaradda iyo hay'adaha ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortaggo dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha bani’aadanimo.
"Shirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha bani’aadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgalla,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hay’adahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortaggo dhibaatooyinka bani’aadanimo,si loo badbaadiyo nolosha bulsho badan”". ayuu yiri wasiirka wasaaradda gargaarka ee xukuumadda Soomaaliya,Xamsa Siciid Xamsa.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]