
Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)– Saraakiisha Ciidanka Boliiska ee ka howl-gasha deegaannada Galmudug iyo Puntland ayaa kulan looga hadlayo xoojinta nabad-gelyada waxa ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo.
newsinsideKulanka waxaa lagu gorfeeyay sidii ay wada shaqayn dhow u yeelan lahaayeen Ciidanka Booliiska ee ka howl-gala Puntland iyo Galmudug.
Saraakiishii ka qeyb gashay kulanka ayaa dhammaantood waxa ay soo dhoweeyeen isu imatinka dhex maray, iyagoo ka faallooday ahmiyadda ay u leedahay nabad gelyadda, haddii la helo wadashaqeyn dhameystiran oo u dhaxeeysa Ciidammada Booliiska ee ka howl-gala Galmudug iyo Puntland.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]