Madaxweyne Farmaajo oo u mahad celiyay maamulka iyo shacabka Puntland (Sawirro)
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay
u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka
Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel
Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan
Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u
heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta
iyo la tashiga shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu
dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo
Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta
deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada
tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku
maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad
Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.
“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda
deegannadan waxaa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer
Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka
Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwada koowaad
ee Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad
Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa
ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Boosaaso halkaas oo kumannaan shacab ah iyo
masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo
bannaanka magalaada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]