Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaal degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd 48 guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 8-dii Janaayo 1970-kii.
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay taliska Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeyb galay madaxda ugu sareeya dalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore ee NISA iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay dabaaldagga.
Sidoo kale munaasabadda waxaa lagu casuumay Fanaaniin Soomaaliyeed sida
Fanaanadda Qaran ee Hoballada Qaranka Waaberi Faaduma Cali Jaamac (Nakruuma)
iyo Kooxda Hilaac oo halkaas ku soo bandhigay heeso iyo ruwaayad ka hadleysay
Amniga iyo falalka guracan ee Al Shabaab, iyagoo soo bandhigay ruwaayad hal ku
dhiggeedu ahaa SHABAAB QARAX WADA HA U QIIL DIYIN, sidoo kale kooxda Baanda
Muustiko ayaa iyana si talantaali ah u garaacayay muusig Astaanta Qaranka iyo
Astaamo kale oo wadani ah.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo heegan sare lagaliyay ciidamada amniga si
looga hortago isku dagy walba oo ay qorsheynayeen kooxaha xagjirka Al Shabaab
in ay ku carqaladeeyaan munaasibadda loogu dabaal dagayay Sanad guurada aas
aaska Hay’adda NISA.
Madaxdii iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qeybgalay xafladda ayaa jeediyay Qudbado qiiro leh oo ay ku muujinayeen qiimaha qaranimada Soomaaliyeed ay uga fadhiso NISA, waxayna si weyn uga hadleen taariikhda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyagoo ku ammaanay dadaalka Sirdonka iyo Amni Sugidda ee ay har iyo habeen u taaganyihiin Ciidamada iyo Saraakiisha NISA, iyo sida ay uga go’antahay in dalka dadka iyo diinta ka difaacaan cadawga gudaha iyo kan dibadda.
Mas’uuliyiinta khudbadaha ka jeediyay Xafladda ayaa dhammaantood xafladda uga tacsiyeeyay Shuhadadii NISA uga dhintay difaaca Qaranka, iyagoo ballanqaaday in ay taageero buuxda la garab istaagi doonaan agoontii iyo ahelladii ay ka bexeen.
Ugu dambeyntii Kusimaha Taliyaha ahna taliye ku xigeenka HSNQ G/Sare
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sanadguurada 48-aad ee NISA Aawadeed u
hambalyeeyay Sareeyeyaasha, Saraakiisha, S/xigeenada, Alifleyda, Dableyda,
howlwadeenada HSNQ Xaasaskooda iyo Caruurtooda, isagoo u rajeeyay Sanad Wacan
oo Amni, Xasillooni iyo barwaaqo xambaarsan.
Sidoo kale ku simaha taliyaha ayaa Shuhadadii ka geeriyootay NISA Alle uga
baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo dhaawacyadana u rajeeyay caafimaad
taam ah in Rabbi siiyo.
Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa siweyn ugu mahadceliyay Mas’uuliyiintii iyo Marti Sharfkii kala duwanaa kasoo qeyb galkooda xafladda, isagoo si gaar ah ugu ammaanay dadaalkooda iyo howl karnimadooda guddigii qaban qaabada xafladda, ciidamada kala duwan ee NISA oo Amniga adkeeyay, waxaana xafladdu ku soo dhamaatay Jawi daggan, guul iyo reynreyn.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]





