Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda dowlad gobolleed-yada
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa
18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha
muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.
Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah
arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al Shabaab
iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha
horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar
waara.
Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo
muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho
ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay
wadajir iyo wadashaqeyn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u
helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada
oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud
oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad
Goboleed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]