Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka Telleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti

Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan
Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khadka taleefanka ku wada hadlay ayaa iska
xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada
lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.
Madaxweyne Geelle ayaa uga mahadceliyey
Madaxweyne Farmaajo kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya
Ereteriya iyo Jabuuti, isagoona ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga
qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga
mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta
wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada
u tagay dalka Jabuuti.
Waxaa soconaya dadaallo nabadeed oo la doonayo in
laysugu soo dhaweeyo dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo uu u dhaxeeyo muran
dhulleed muddo dheer soo jiitamayay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
diini@hiiiraan.com