Wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka oo hortagay Baarlamaanka


Sabti, October, 06. 2018 (HOL) –  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad , wuxuu ugu yeeray wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya oo ka hor akhriyay hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka.

newsinsideKulankan oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 151 xildhibaan, iyadoo Ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhul.

Wasiirka Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cabdifitaax Geeseey ayaa warbixinta uu siiyay xildhibaannada ku soo daray horumarinta iyo maamulka dhulka oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay, iyadoo qaar kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka hindisa sharciyeedkan, waxaana la soo gaba-gabeeyay Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan.

Gabagabadii,Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in hindise  loo gudbin doono guddiga uu quseeyo si uu ula kaashado wasaaradda howlaha guud.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]

More News