Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Saldhigga milatari ee Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaa ka socota munasaabad la filayo in dowladda Soomaaliya ay kula wareegto cutub ka mid ah Ciidamadda uu tababarray Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamadda uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka xoogga dalka.
Waxaa la adkeeyay amniga waddooyinka gala saldhigga milatari ee Turkiga ,waxaana sidoo kale la sheegay munaasabadda inay goobjoog u noqon doonan Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho.
Kumannaan askari oo la filayo in lugu biiriyo hay'adaha ammaanka Soomaaliya ayuu Turkiga ku tababarra saldhigga milatari oo si casri ah loo dhisey, waxaana horay tababar xerada ugu dhameystay dhowr cutub.
Turkiga ayaa xiriirka ugu weyn ee diblumaasiyadeed la leh dowladda Soomaaliya, waxaana caasimadda Muqdisho ku taalla safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay Afrika.