Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal



Isniin, October, 29, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, sida ku cad wareegto goor dhow ka soo xafiiska madaxweynaha.

newsinsideTaliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, waxaa loo magacaabay G/Sare Xassan Cabdullaahi , waxa uu horay u ahaa taliye ku-xigeenka madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo xil heyntiisa ay uga harsantahay kaliya labo bilaad ayaa toddobaad ka sameeyay magacaabis iyo xil ka qaadis ,taas oo muddo uu xilka hayay uusan sameyn.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]