
Isniin, October, 29, 2018 (HOL) -Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay leedahay shirkadda Lion Air oo ay saarnaayeen 188 ruux ayaa ku dhacday badda dalka Indonesia wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada caasimadda ah ee dalka Indonosea ee Jakarta.
newsinside Duulimaadkan oo lambarkiisu ahaa JT 610 ayaa ku sii jeedday Pang-kal Pinang oo ah magaalada ugu wayn jasiiraddaha Bangka Belitung.
Xiriirkii dhulka ay la samaynaysay ayaa lumay wax-yar kaddib markii ay kacdayba, wax-yar ka dibna badda ayaa laga helay, mana cadda in ay dad ka badbaadeen.
Diyaaraddan ayuu
nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8, wayna cusbayd, “Diyaaradda ayaa
badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir,” sida uu wakaaladda warar-ka AFP u sheegay
Yusuf Latif oo ah afhayeenka hay’adda Gurmadka, wuxuuna intaas ku daray in ay
wali baadigoobayaan burburka diyaaradda.
Xigasho : BBC