
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Xassan Cali Maxamed, kulanka oo diiradda lagu saaray qorshayaal muhiim u ah horumarinta Ciidanka Xoogga dalka.
newsinsideWaxaa kalo kulanka looga hadlay dhameystirka qorshaha Diiwaan galinta (paymetric) ee Ciidammada Xoogga dalka , qorshaha waxaa ay dowladda sheegtay inuu marayo meel wanaagsan.
"Waxa aan xafiiskayga kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed oo aan ka wada hadalnay horumarka maamulka maaliyadda iyo ammaanka Dalkeenna iyo dhameystirka qorshaha Paymetric... Dhammaan waa in aan ka wada tashanaa sidii aan u wada dhisan lahayn Dalkeenna." ayuu yiri wasiir Bayle.